Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Al-shabaab iyo Abuu Masuur

Wararka Saakay naga soo gaaraya Gobolka Bakool gaar ahaan goobihii ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo Maleeshiyaadka Taabacsan Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur ayaa sheegaya in Xaaladu ay degen tahay,balse Labada Dhinac ay isku hor-fadhiyaan Goobo isku muuqda.

Dagaalkii Shalay ayaa la shegay in ay ku dhinteen in kabadan 20 Qof oo isugu jira Dhinacyadii Dagaalamay iyo Dad rayid ah intaba.

Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Wadaadka la yiraado Sheekh Muqtaar Roobow uu iska difaacay Weerar Saf Balaaran ah oo ay Al-shabaab ku soo qaadeen halka uu Gobolka Bakool ka joogo Sheekh Muqtaar,waxaana uu xusay in Shabaab laga gubay gaadiid Dagaal oo qeyb ka ahaa Dagaalkii dhacay.

Maxamed Xasan Fiqi waxaa uu Xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ay u gurmadeen Roobow islamarkaana ay ka difaaci doonaan Shabaabka soo weeraray.

Dhanka kale Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Xudur ayaa Warbaahinta u sheegay in Aagga lagu dagaalamay Xalay illaa Shalay lagu arkayay Diyaarado Dagaal oo Jawi hoose ku socda,balse weli aan la xaqiijin Cidda iska leh.