War Deg Deg Ah:Qarax Xoogan oo Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada SomaliYa.

Jugta Qaraxa oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib dhacay rasaas xoogan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarama oo ah wadada aad u mashquul badan.

Ciidamo Ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ayaa xirey isgooysyada wadada Makka Al-mukarama kuwaa oo celinaaya gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Wixii kusoo kordha kala soco Shaaciye.com