Maxaa naga maqan?! (Qalinkii Maxamed Cabdullahi Abubakar)

Ummada badan oo dunida dusheeda na la saaran waxa ay ku nool yihiin nabad, waxa ay si xorriyad leh ugu dul-socdaan dhulkooda, waxaana ay ka wada shaqeeyaan baadigoobka horumar-nololeed oo dadka wada gaarta; intaas oo dhanna waxa ay suurtagal ka dhex noqotaa dad ahaanshaha dadnimo mooye e, inta kale oo dhan ku kala duwan (diinta, isirka, midabka, iyo afkaba).
Qofka Soomaaliga ah, ee sida aniga ku soo koray dal ay dadku yaqaannaan uun xabbad dhacaysa, iyo xoola la dhacayo, waxaa la-yaab ku noqota sida ay ku suurtowday in ay meel dunida ka mid ah joogaan dad aan waxba ka garanayn inta uu isagu dalkiisa ku soo arkay!
Dalka aan hadda imid ee UK, waxaa lagu tiriyaa mid ka mida dalalka ugu horreeya caalamka (siyaasadda, dhaqaalaha, aqoonta…IKK), intaas oo dhanna ku ma aysan imaan mucjiso cirka ka soo dhacday, ama awood iyo murqoweynin dheeraad ah oo ay dadka caddaanka ah ee asal ahaan dhulkan ku noolaa kaga duwan yihiin aadanaha kale ee uu alle dunida keenay.
Ma fududa ogaanshaha sirta ku jirta horumarka nololeed ee uu gaaray qofka jooga dhulkan ay malaayiinta kala midabka iyo mad-habka ahi joogaan, se ku wada socda qorshaha iyo qoondaynta boqortooyada weyn ee Biritishku. Ma aha sir uu si sahlan ku garan karo Soomaali ka yimid dhul yar oo ay dowladnimadu ka tahay Doolsho (Cake) saxan saaran oo hortaalla beelo iyo qabiilo yaryar oo hal oday oo la qeybiyay ah; waa isla dhulka ay diintuna ka tahay mid qura, se ay kooxa yaryar u qeybiyeen aragtiyo iyaga caqligooda la siman, oo mid weliba ay ku colaadinayso midda kale.
Maalma badan ayaa aan wareegayay waddoyinka waaweyn ee qaddiimiga ah ee London. Waa magaalo ay taariikhda dunidu qeyb weyn oo muhiim ah iyada keligeed deeq ahaan u siisay. Waa goob qofkii dhex maraya aanu ka gayoonayn eegeegista raadadka xasuusaha gaboobay ee laga dhaxlay dhacdooyin-taariikheeed qarniya ka hor jiray.
Haddii qof kasta oo nool ay maskaxdiisu leedahay qeyb ka shaqaysa isbarbardhigga waxa ay indhuhu markaas arkayaan iyo waxa ay soo arki jireen, waxaa jira marar ay guuldarro culus soo foodsaarayso qeybtaas isbarbardhigga oo ay shaqada gabayso; mar ka mid ah mararkaasna waxa ay aniga ii ahayd markii aan eegeegayay taariikhaha nool ee London ay tusinayso dadka soo booqda iyo kuwa joogi jirayba.
Kumannaan ajaanib hadda uun magaalada timid u badan, ayaa aan dhexda uga jiray, si aan u arko gooba caan ah oo taariikhda siyaasadeed ee Ingariiska iyo tan dunida kaleba raad ku leh; waa goobo jiritaankoodu uu ka yimid qarni iyo qarniyo badanba. Sidee ayaa ay iigu suurtagalaysaa in aan isku dhereriyo qarniyo badan astaamo-taariikheed soo taagnaa oo hadda i horyaalla, iyo astaamihii dalkaygii Soomaaliya oo soddon sano aniga dhalashadeyda ka hor soo billowday, markii aan anigu dhashayna la wada xidid-siibay oo burburkoodii mooye e, aanan weligay bilicdooda iyo bilnaantoodaba il saarin?!
Intii aan dhex wareegayay magaaladan boqollaalka sano ka hor loo diyaariyay in ay weligeed jirto, waxa ugu weyn ee igu soo dhacayay waxa ay ahayd nabadgeliyada lagu nool yahay oo aanan anigu dhadhansigeeda sinnaba u aqoonin, se aan dhab ahaan weligayba u baahanaa.
In dad tiro badan ay magaalo dhex mushaaxayaan, si ay u daawadaan muuqaallo ka tarjumaya horumarka nolosha, waxa ay aad uga duwan tahay wixii aan ku soo arkay dalkayga oo dadkii meel isugu yimaadaba waxa ugu badan ee ay ka fekeraan ay tahay ‘goorma ayaa Qarax la idinku soo weerarayaa’. In aan anigu ka mid ahay dadkaas tirada badan ee daawashada taariikhda London isugu yimidna, waxa ay aad uga duwanayd qofkii aan anigu ahaa markii aan dalka joogay; waxa aan ahaa qof marka uu meelahaas oo kale joogo isweyddiiya ‘toloow goorma ayaa uu mid aan sababta uu ku dilayo ogayn dhinac kaaga soo bixi doonaa, oo rasaas kula dhici doonaa?!’.
Dad badan oo dalkayga ku nool, waxaa loo dilaa diin, ama qabiil dartood; haddana dalkeygu waa dal ay hal diin ka jirto, dadkuna ay heyb qura yihiin. Laakiin, taas beddelkeeda, dad badan oo London iyo magalooyin kaleba ku noola, waxaa loo nooleeyaa dadnimadooda darteed; haddana dalkan waa dal ay ka jiraan diimo badan, iyo isirro aan shaqo iyo shuqul isku lahayn! Waa taas kala-tagsanaanta habfekerka iyo fahamka nolosha oo qola weliba dhaxalsiiyay wixii ay meel dhigatay.
Tusaale fiican waxaa ii noqday laba nin oo kala fadhiya laba goob oo isu jira fogaan ka yar toban tallaabo; midka hore ayaa ii yeeray oo gacanta ii geliyay kitaab yar oo diinta Islaamka ka hadlaya, ka dibna ii dhegeysiiyay aayado qur’aan ah, in yar markii aan socdayna, waxa ay ruuxdeyda fanka iyo Muusigga ku waalani si aanan kutalogal ahayn ugu ag hakatay nin si raaxa leh u tumayay aaladda Gitaarka. Labada ninba waxa ay ka shaqaynayaan faafinta farxadda iyo fayoobida.
              Nin Gitaar iyo Kaban wata, dadkana ku dhiiro gelinaya in ay farxadda fanka iyo Muusigga ka raadiyaan
           Waa Nin Muslim Ah Oo Dadka Ku Wacyi Gelinaya in Ay Dhageystaan Qur’aanka si ay Farxad Uga Helaan
Marka aan Soomaaliya joogo, Muusigga, Cayaaraha, iyo waxyaaba kale oo badan ayaa aan arkaa iyada oo ay dagaal culus kula jiraan rag isu xilsaaray u-adeegidda diinta. Miraha keli ah ee ay bulshadu ka gurteen raggaas nacaybka fanka iyo farxadda faafinaya waxa ay noqotay cabsi iyo cadaawad lagu dhex-baahiyay bulshada, iyo nacayb dhexdooda la dhigay.
Farqiga iyo fogaanta u dhexeysa nolosha magaalo ay hal diin iyo hal dad ka jiraan, se la isku dilayo oo la isku dooxayo aragtiyo yaryar oo ay shakhsiyaad qabaan oo ku salaysan fahamkooda qofeed; iyo magaalo ay diima badan iyo dad kala duwan joogaan, se nabad iyo lagu nool yahay nagaasho, waxaa aad ka dheehan kartaa sida ay qola kasta u naqshadaysatay nolosha ay iyadu doonaysay.
Soomaalidu, waa dad jecel in ay nabad helaan, oo sida qeyrkooda u noolaadaan; haddana waxa ay seeggan yihiin in helitaanka nabaddu ay tahay miro laga gurto geedka sinnaanta, caddaaladda, ogolaanshaha kala-duwanaanta aragtida, iyo nooleynta fanka, cayaaraha iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee bulsheed.
Dalkeenna waxaa halis ku ah aragti dilaa ah, oo ka awood badan hubka dadka lagu laayo. Hubka waxaa ku filan in rasaasta laga daadiyo, se qofka qalbiga iyo maskaxda ku wata nacayb la diimeeyay, iyo faham sheegaya in farxadda fanka iyo fayoobida cayaaruhuba ay yihiin fasahaad iyo fidno ciribtir u baahan, waa qof mar kasta u taagan in uu cagta saaro rejo kasta oo ay ummaddu ku naawili karaan nabad lagu dego iyo nolol lagu dakeeyo.
Kooxaha xagjirka ah ee hubka sita (sida Alshabaab) waxa ay ka dhasheen aragtida xagjirka ah ee colaadda u qabta dhammaan dhaqdhaqaaqyada bulsho ee xiriirka la leh nolosha; sida Muusigga, cayaaraha, dhaqanka, iyo waxa la midka ahba. Sidaas darteed, waxa aan laga fagsanayn in si siman loola dagaalo kooxahaas iyo aragtidooda ku dhex dhuumaalaysata qalbiyada kuwa la marinhabaabiyay ee u qafaalan fekradahaas qallafsan.
Maxamed Cabdullaahi Abubakar (Dhaaley)
London, UK
                                   Maxamed Cabdullahi Dhaaley Oo Ah Qoraaga Faalladan oo kusugan London UK