Geeri Mise Nolol:- Halkee Buu Ku Dambeeya Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur?

Maxamed Xasan Fiqi oo ah ku simaha  hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in uu nool yahay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur islamarkaana uu weli ku taagan yahay waddadiisa.

aroornimadii Arbacadii ayeey ahayd markii ay Alshabaab weerar adag ku  qaadeen saldhig iyo deegaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaas oo uu ku sugannaa Abuu Mansur.

Maanta waxaa soo baxayay warar sheegayay in la dilay Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur, balse Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in uu nool yahay Sheekha islamarkaana uu weli dagaalamayo.

Koonfur Galbeed ayaa si cad u taageertay Abu Mansur, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay badbaadin doonaa, si kasta oo ay ahaato.