Faah-faahin: Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

Gaari Laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la dhigay Meel u Dhaw Carwo Al Kathar ooo ku taala meel ku dhow Hoteelka wadada Makka Al-mukarama meel ee Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib dhacay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya.

Ciidammada ammaanka  Dowladda Soomaliya waxa ay xireen wadada maka al mukarama qeybo ka mid ah inta uusan qaraxa dhicin kadib markii ay xaqiijiyeen in gaari lagu xiray qarax uu wadada yaala gaadiidka waaloo diiday iney maraan wadada Makka Al-mukarama meel ee Magaaladda Muqdisho.

Ilaa haatan lama sheegin qasaro uu geystay qaraxa caawa ka dhacay wadada Makka Al-mukarama meel ee Magaaladda Muqdisho, oo bishii aynu soo dhaafnay uu ka dhacay qaraxa gaari laga soo buuxiyay oo ay ku dhinten 5-ruux.