Doorashada Kenya: Ardey 23 jir ah oo ku guuleystay kursi Xildhibaannimo

John Paul Mwirigi,oo ah 23 jir Kulliyadda Waxbarashadana ka dhigta Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay doorashada kursi Xildhibaannimo ee degaanka Igembe South.

Guddiga doorashada ayaa sheegay musharraxa Xildhibaankan oo ahaa mid madaxbanaan islamarkaana u tartamayay Kurisgan uu ku guuleystay iyaga oo natiijada shaaciyay saaka oo Khamiis ah.

John waxaa uu helay 18, 867 cod,waxaana uu ka adkaaday musharraxa ka socday Xisbiga Jubilee Rufus Miriti oo helay 15, 411 cod.

Paul Mwirigi, ayaan sameynin ol olaha doorashada ee in dadka la isugu yeero,fagaarahana lagula hadlo,mana uusan awoodin qarashka ololaha doorashada waxaase uu lugtiisa ku tagayay guri kasta si uu cod uga helo ilaa markii dambe ay taageero u muujiyeen dhallinyarada Mootooyinka u shaqeysta ee degaankaas.

Waa xildhibaanka ugu da’dayar  Dalka Kenya taariikhda ee la soo doortay,waxaana uu sidoo kale ka badiyay xubno kale oo kula tartamayay kurisgaaas.

Taageerayaashiisa ayaa billaabay in Habeenkii khamiista ay sii dabaaldegaan,iyaga oo natiijada u helay si horudhac ah.

Doorashadiisii kaddib ayuu la hadlay warbaahinta waxaana uu xusay in markii uu dhiganayay Galaaska 3aad ee Dugsiga sare ay ku soo dhacday in uu galo Siyaasadda,ma heysan dhaqaale,Qoyskiisuna waa sabool oo xitaa ma  malahan Guri ay degganyihiin,waxaana uu intaas ku daray in haddii ay dhul lahaan lahaayeen uu iibsan lahaa.

Dadka degaanka ayaa iyaguna sheegay in ay doorteen Xildhibaan faqiir ah,maaddaama uu isaga ka warqabo baahidooda sidaasna ku siiyeen kalsoonida.