Dhacdooyin Naxdin leh oo Shalay Iyo Maanta ka dhacay Degmooyinka Kaaraan Iyo Warta-nabada Iyo Xog dhameestiran?

Wararka aan ka heleyno Xaafadda Xamar-Jadiid ee Degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maanta Xaafaddaasi ay ka dhacday Dhacdo aad u Xanuun badan, kadib markii la sheegay in Tooreey lagu dilay Nin ka mid ahaa Dadka ku nool Xaafaddaasi.

Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen Dhalinyaro midiyo watay,sida uu Warbaahinta  u sheegay Wiil ka mida Dadka Dariska la ah Ninka la dilay islamarkaana Isbitaal u qaaday.

Goobjoogaha ayaa  Warbaahinta u sheegay in Dhalinyarada wax dishay ay qaraabo ahaayeen Xaaska Ninka la dilay,waxaana uu Xusay in Dilku uu Salka ku hayay Muran soo kala dhex galay Ninka la dilay iyo Xaaskiisa.

 Marxuunka la dilay wiil uu Abti u ahaa ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in la dilay Abtigiis oo ay dileen Rag Middiyo watay.

Dhanka Kale  Maalintii shalay aheyd waxaa’ toorey lagu dilay degmada Kaaraan wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in dusha loogu yimid ka dibna lagu bireeyay gudaha suuqa Degmadaasi.