Mudanayaasha barlamaanka Puntland ayaa goor dhoweyd si duuduub ah codayn gacan taag ah ugu meelmariyey Golaha wasiirada Puntland ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.
61 kamid ah golaha wakiilada ee kulanka soo xaadiray ayaa gacanta u taagey in xukuumaddu ay meelmarto, halka labo kalena ka aamuseen, waxaana sidaasi kumeel maray wasiirada cusub oo lafilayo inay todobaadka dambe xafiisyadooda shaqada la wareegaan.