XOG: Xildhibaano Odayaal Waxgarad Ku heyb ah RW Khayre oo Qorshe ka dhan Muqdisho ka wada?

Mudaneyaal ka kala tirsan Baarlamanka Fedaraalka Somalia Iyo Maamulka Galmudug Kuna heyb ah ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay Olole logu mucaaradayo Xukumadiisa.

Xildhibanadaasi oo ka soo jeeda Beesha Cabdalle Sabdi oo ka Mid ah Beelaha Murusade’ ayaa waxgarad iyo Odayaal ku abaabulaya Hoteelo ku yaalo Magaalada Muqdisho si aay Warbaahinta ula hadlaan ‘ayaga oo si cad u sheegi doona in R/wasaare Khayre Beesha Murusade dhexdeeda uu ka abuuray khilaaf iyo kala sooc.

Xildhibaanada ka soo jeeda Beeshaasi ayaa ka tirsanaya ra’isal wasaare Xasan Khayre’ in u faquuq ku sameeyay Beesha Cabdalle Sabdi isaga oo taas badalkeeda soodhoweestay’ kaliya kuwa jufada hoose ku ah taaso ah Cadaalad daro biloowgeed.

Ilo wareedyo Muhiim ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isal wasaare Khayre Beesha Murusade ee uu ka dhashay’ dhexdeeda uu ka abuuray tashuush khilaaf Sababay ‘magacaabis xilal dhowr ah oo u sameeyay kuwaasi oo u dhamaan u dhiibay rag jufo hoose aay isku yahiin.