Waa Kuma Mas’uulkii Ugu Horreeyay Oo Musuq Maasuq Xabsi Loo Dhigo (Magaciisa Iyo Xogtiisa)

Dawladda Federaalka SOomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay sarkaal magaciisa lagu soo koobay Baakaay oo ka tirsanaa ciidanka ilaallada waddooyinka ee Taraafikada, kaas oo lacago baad ah ka qaadanayay gaadiidleyda magaalada.

Sarkaalka la xiray ayaa la sheegay in ay dacwaddiisa dawladda soo gaarsiiyeen qaar kamid ah dad waynaha iyo gaadiid leyda oo uu ka qaadi jiray lacago baad ah, kuna dhici jirtay akoonnadiisa gaarka ah.

Waxaa jira shakhsiyaad sidiisa oo kale caada qaate u ah, kuwaas oo ka tirsan ciidanka tarafikada, islamarkaana dadka nafta u keenay sida ay sheegayaan qaar kamid ah gaadiidleyda gobolka Banaadir.

Ololle lagu ciribtirayo Musuqa ayeey bilawday dawladda, tanna qayb ayeey ka tahay, oo sarkaalkan waxaa lagu eedeeyay in uu Musuq iyo wax isdaba marin uu sameeyay, taas baddalkeedana caddaaladda la hor keeni doono.