Ma Dhabbaa In Madaxwaynaha Puntland Uu Saammi Ku Leeyahay Shirkad Sameysa Lacagaha Faalsada Ah (Sir Iyo Kashifaad)

Dhawaan dalka qaybo kamid ah waxa laga cabanayay lacago Faalso ah oo gudaha lagu sameeyo islamarkaana dhibaato badan ku heysa dalka.

Burhaan Aadan Aw Cabdi oo kamid ah golaha baarlamaanka Puntland ayaa kashifay sir aad u wayn oo ah in Madaxwaynaha maamulkaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa ay iyagu saami ama share ku leeyihiin makiinnad sameysa lacagaha Faalsada ah ee Shillin Soomaaliga ah.

Arrintan haddii ay sax noqoto Gaas wuxuu wajihi karaa dhibaato ka wayn midda hadda jirta, maadaama ay tahay fal dambiyeed sharciga ka dhan ah.

Xildhibaan Burhaan oo la hadlayay idaacadda Garoowe fadhigeedu yahay ee Daljir ayaa sheegay in xogtaas ay dhab tahay, sidoo kalena uusan cidna kaga heybeysaneyn sheegidda waxyaabaha dhalliisha ah ee ay leeyihiin madaxda maamulkaas.

Madaxwaynaha maamulka Hirshabeelle ayaa horaan ka dalbaday Puntland lacag mag dhaw ah maadaama lacago faalso ah lagu soo siray qaar kamid ah ganacsatada maamulkaas, kaddibna shaqeyn wayday.