DEG DEG:- Weerar Ay Dad Badan Ku Waxyeeloobeen Oo Magaalada Paris Ka Dhacay

Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska warar hadda ka imaanaya waxa ay sheegayaan in weerar gaari loo adeegsaday uu ka dhacay halkaas islamarkaana ay dad badan ku waxyeeloobeen.

Gaari ayaa xoog kusoo galay goob ay ku badnaayeen Booliska iyo shacabka oo ku taallay xaafadda caanka ah ee Lavallions Parette ee magaalada madaxda dalka Faransa ee Paris.

Lix qofood ayaa ku dhaawacantay weerarkaas oo aan weli cid sheegana,balse ciidanka Booliska ayaa goobta isku weegaaray, iyagoo hadda goobtaas ka bilaabay baaritaanno iyo in la daba galo cidda ka dambeeysay weerarkaas.

Dhawr jeer oo horay ayeey weeraro noocan oo kale ay kaga dhaceen Paris, balse weerarkan wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee dalka ka dhaca tan iyo markii la doortay madaxwayne Emanuel Macron oo kursiga dhawaan uun ku fadhiistay.

Wixii Warar ah Dib kala soco