DEG DEG:- Alshabaab Oo Weerar Kullul Ku Qaadday Saldhiggii Uu Dagnaa Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Bakool wuxuu sheegayaa in Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimihii uu gobolkaas ku lahaa af hayeenkii hore ee kooxdaas Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur.

Roboow ayaa la aaminsan yahay in uu Alshabaab ka baxay sannadkii 2013-ka, balse June sannadkan laga saaray Liiska dheer ee arggigixisada oo uu muddo dhawr iyo toban sano ah uu kujiray.

Dagaal yahanno aad u tababaran oo Alshabaab ah ayaa weerar ku qaaday xaruntii saldhigga u ahayd Mukhtaar Rooboow taas oo ku taallay Tuullada Abal ee Gobolka Bakool.

Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo diray si ay kaga caabbiyaan Alshabaab, kaddib markii ay labada dhinnac isku soo dhawaasho gaareen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka halkaas ka socda, wixii warar ahna dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa haddii uu rabbi Qaddaro