Daawo Go’aan Noocee Ah Ayeey Beesha Uu Kasoo Jeeday AUN Wasiir Cabaas Siraaji Ka Gaareen Askarigii Dilay Wiilkooda

Malaaq Maxamed Aadan Buukaay oo kamid ah Malaaqyada beesha Hubeer ee uu ka dhashay AUN wasiir Cabaas Siraaji ayaa go’aan rasmi ah ka gaaray sida laga yeelayo askarigii dilay Wiilkooda.

Cuqaasha, aqoonyahannada, waxgaradka iyo odayaasha beeshaas ayaa Muqdisho ku yeeshay shir muhiim ah, waxaana ay taageereen go’aankii Maxkamadda sare ee ahayd in la toogto gacan ku dhiiglaha dilka geystay, baddalka intii ay diyo qaadan lahaayeen.

Warkan wuxuu imaanayaa xilli beesha Habar Gidir Cayr oo uu ka dhashay askariga dilay wasiirka ay sheegeen in dawladda ay hor taagan tahay in ay labada reer wada hadlaan, hasa yeeshee hadalka kasoo baxay Beesha Hubeer ee uu kasoo jeeday AUN Wasiir Cabaas Siraaji wuxuu dhabar jab ku noqonayaa dadaalladii ay wadeen beesha ka gacan ku dhiiglaha uu kasoo jeedo.

Si kastaba ha ahaatee shalay ayeey ahayd markii hooyada dhashay wasiirkii hore, ay saxaafadda u sheegtay in ay ku qanacsan tahay in la toogto wiilkeeda gacan ku dhiiglihii dilay, intii ay diyo qaadan lahayd.

Warar hoose oo ay heleyso Shaaciye.com ayaa sheegaya in todobaadkan la damacsanaa in la toogto gacan ku dhiigle Cayddiid oo ahaa istaafka hanti dhawrihii qaranka Nuur Faarax oo isna xilkiisa halkaas ku waayay.