AKHRISO:- Magacyada Saraakiisha Alshabaab Ee Hoggaaminaya Weerarka Lagu Qaaday Abuu Mansuur (Xog Muhiim Ah)

Alshabaab ayaa saakadii hore weerar aan meel loo dayin ku qaaday fadhiisimihii maleeyshiyada hoos tagta Amiir kuxigeenkii hore ee ururkaas SheekhMukhtaar Roboow Abu Mansuur, kaas oo ururkaas kal hore ka baxay.

Weerarka saakay lagu qaaday Sheekh Mukhtaar waxaa kasoo kordhaya warar kala duwan, oo ay kamid yihiin in la ogaaday hoggaamiyayaashii weerarkaas ciidankii fulinayay watay.

Xasan Yacquub Cali oo horay usoo noqday waaliga ALshabaab ee gobolka Jubba Dhexe haddana ah waaliga ama wakiilka Alshabaab ee gobolka Galgaduud ayaa hoggaaminaya dagaalkaas sida warar hoose oo aynu helayno sheegayaan, si lamid ah hoggaamiyayaasha dagaalkaas waxaa kujira Waaliga Alshabaab u qaabilsan Gobolka Bakool ee Cabdullahi Macali Geeddow.

Qorshaha Alshabaab ayaa ah in ay gacanta ku dhigaan, ama ay dilaan Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, maadaama ay sheegeen in uu ka noqday aragtidii kooxdaas.

Wixii Warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.