Maxay Ka Tiri Wasiir Kuxigeenka Haweynka Falkii Lagu Eedeeyay Ee Ahaa In Ilaalladeeda Mid Kamid Ah in Uu Dil Geystay?

Samra Ibraahim Cumar oo ah wasiir kuxigeenka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka ayaa dhinac iska dhigtay wararka sheegaya in uu dil geystay mid kamid ah illaaladeeda gaarka ah maalintii Isniinta ahayd ee aynu soo dhaafnay.

Wasiirradda ahna xildhibaan Qaran ayaa shalay oo idil magaalada waxaa kujiray in warar sheegayay in illaaladeeda ay dileen qof muwaaddin banaan bax u yimid waddada Makka Almukaramah ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Samra Cumar Ibraahim diidday wararkaas, sheegtayna in xilliga falkaas uu dhacayay ay ku sugneed xafiiskeeda, taasna ay tahay been iyo borobbagaando iyada lagu ceebeynayo.

Horaan ayeey ahayd markii Nuur Faarax, Hanti dhawrihii qaranka uu xilkiisa ku waayay dil uu geystay mid kamid ah illaaladiisa oo toogtay wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dhiska AUN Cabaas Siraaji.

Qaar kamid ah dadka ay isku heybta yihiin Hanti dhawraha ayaa buun buuninayay falkaas ay xildhibaannaddu beenisay, iyagoo haddii ay sax ahaan lahayd, dawladda ku cadaadin lahaa in wasiirrad kuxigeenka la marsiiyo waddadii Nuur Faarax oo xilkiisa ku waayay fal uu geystay ilaaladiisa mid kamid ah.