Goormaa La Toogan Doonaa Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Wasiir Cabaas Siraaji? (Sir Culus)

Warar hoose oo ay heleyso Shaaciye.com ayaa sheegaya in gudaha todobaadkan ay dawladda Soomaaliya dooneyso in ay toogtaan dable Xoogga Cayddiid oo ahaa askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji horaantii bishii May ee sannadkan.

Illo wareedka nala wadaagay xogtan nooma sheegin maalinta rasmiga ah ee la toogan doono gacan ku dhiigle Cayddiid, kaas oo horey ay maxkamadda militeriga ay ugu xukuntay dil toogasho ah, bilawgii bishan August.

Haddii ay badato muddada uu ku jiraayo xabsiga Cayddiid, sidoo kale waxaa badanaya dadaallada ay doonayaan beeshiisa in looga baaqsado dilka toogashada ah ee lagu xukumay dable xoogga Cayddiid.

Wixii Sir hoose ah oo kusaabsan sheekada iyo sheekooyinka la xiriira dib nagala soco.