Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Bari Oo Gacanta Lagu Dhigay

Maamulka Booliska magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilay guddoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Bari Marxuum Qadar Ismaaciil Cabdullahi.

Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ay caddaaladda hor geyn doonaa gacan ku dhiiglaha dilka geystay, islamarkaana la marsiin doono waxa uu sharciga Islaamka ka qabo.

Korneylka ayaa sheegay in ay kusoo qabqabteen baaritaan dheer oo ay gobolka ka sameeyeen, sidoo kalena ay ku raad joogeen ilaa maalinkii uu falka dhacayay.

Si kastaba ha ahaate soo qabshada gacan ku dhiiglahan ayaa imaaneysa xilli hawl gallo joogta ah ay ka wadaan ciidanka booliska qaybta gobolka Bari magaalada Boosaaso iyo degmooyinka ku xeeran.