Faah-faahin:-Dab Xalay Ka Kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha

Xalay saaacada marka ay aheyd  12:15-daqiiqo ayaa dab xoogan oo geystay qasaaro hantiyadeed waxa uu ka hacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdsiho.

Sida aay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahaa  dabku waxuu ka kacay dhanka Sarif Weynaha ee sarta Cali Dheere.

Dabka ayaa la sheegay in uu baa’bi-iyay goobo Ganacsi ay lahaayeen shacab Soomaliyeed.

Waxaa goobta gaaray ciidanka dowlada oo rasaas adeegsanayay, gaadiidka dab damiska ah iyo shacab la tacaalayay hantidooda.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabka.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaan,waana arin  kusoo noqnoqotay Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho