Beesha Murusade 90-kun Oo Dollar Diyo Ahaan U Siisay Habar Yoonis, Iyo Sheekadii Kaaliyaha Maxkamadda Oo Halkaas Ku Soo Xirantay

Beelaha Murusade iyo Isaaq Habar Yoonis ayaa maanta ku heshiiyay in ay diyo u kala qaatan dilkii loo geystay AUN Mursal Aw Cumar oo ahaa kaaliyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya, xilli hore ee bisha MAy sannadkan.

Xuseen Nuur Xeylle oo ah adeerka wiilka Murusade ee dilay Kaaliyaha ayaa bixiyay 90-kun oo Dollar ka Mareykan ka, taas oo keentay in labada qabiil ay ku heshiiyeen diyo oo lasii dayn doono gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

odayaasha labada qabiil cuqaasha iyo waxgaradka ayaa ku heshiiyay in ay kudhammeystaan sheekada diyo kala qaadasho iyo heshiis iyaga u dhaxeeya.

Beesha Cayr ee Habar Gidir ayaa horaan ugu doodday in Murusade fursad loo siiyay in ay wiilkooda lacag diyo ah ka bixiyaan, halka iyaga Cayddiid oo ahaa askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji AUN.

HAddaba daawo muuqaalka lacagaha lagu kala wareegayo labada qabiil.