Barack Obama Oo Si Qiiro Leh ula Dardaarmay Uhuru Kenyatta Iyo Raila Odinga

Madaxwaynihii hore ee dalka Mareykan ka mudane Barrack Obama ayaa kula dardaarmay dadka Kenyaanka ah in ay u codeeyaan hoggaamiyaha saxda ah ay aaminsan yihiin in uu mudan yahay in hadda la doorto.

Mr Obama ayaa si gaar ah ula hadlay madaxwaynaha hadda ee Uhuru Kenyatta iyo ninka aadka ula loollamaya ee Raila Odinga, wuxuuna ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada dalka, ayna ku qancaan natiijada kasoo baxda doorashadaas.

“Waxa aan marqaati ka ahay horu kaca aad sameyseen, waan jeclaan lahaa in aan dib usoo noqdo, si aan u arko horumar midkan xitaa ka wayn, doorashadan mid hal jeer iyo wax kabadan ka xiiso badan kuwii hore, waxa aan la hadlayaa Uhuru iyo Raila, iyo xitaa musharixiinta kale, tixgaliya xikmaddii ahayd “Dhulkeenna Keliya ugama dhexlin awoowashaayeen in aan ku noolaanno, ee sidoo kale carruurteena ayaan usoo deyminay, in ay ku noolaadaan, fadlan waan wada ilaalino dadka,'” ayuu Obama u sheegay warbaahinta xilli uu ka hadlayay doorashada dalkaas.