Zakiya Xuseen oo Loo Magacabay Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta G- Banaadir

Zakiya Xuseen oo ah Gaashaanlle sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Soomaliya ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda amniga iyo deriseynta Gobolka Banaadir.

Waxay badali doontaa Agaasimihii hore ee waaxda amniga iyo deriseynta Gobolka Banaadir Mahad Xuseen Axmed kaasi oo xilka laga qaaday.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo uu ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka loogu wareejiyay Zakiya Xuseen.

Zakiya Xuseen ayaa ah  gabar qurbaha ka timid kuna biirtay Ciidanka Booliska Soomaliyed  waxaa dhawaan xilkaan u magacaabay Wasaaradda arrimaha gudaha kaddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada taabid Cabdi Maxamed.