Waa Kuma Qofkii Ugu Dambeeyay Ee Farmaajo Isku Jufada Hoose Yihiin Ee Xil Wayn Loo Magacaabay? (Xog Muhiim Ah)

Xilalka loo magacaabo shakhsiyaadka kasoo jeeda beesha Mareexaan, kana sii ah lafta reer Diini waa kuwa soo badanaya, tan iyo 8-dii February sannadkan.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyaa in uu reerkiisa gaar ahaan Jufada hoose ee uu ka dhashay in uu xilal u magacaabo, tan iyo markii la doortay, 3-dii Bishan ayeey ahayd markii Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Ducaale uu u magacaabay agaasime kuxigeenka laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Weli Guuleed Nuur oo ah wiil dhallinyaro qurba joog ah.

Mas’uulka dhawaan la magacaabay wuxuu heyb ahaan kasoo jeedaa beesha Mareexaan, gaar ahaan Reer Diini, taas oo ka dhigan in wasiirka Amniga gudaha loo keenay wiilkaas, laguna yiri “Ii Meeleey” kaddibna wasiirka uu ka dhigay agaasime kuxigeenka, maadaama xilkaas agaasimanimada uu hadda ku fadhiyo Koofi oo isna kasoo jeeda beesha Habar Gidir Cayr.

Si kastaba aha ahaatee Farmaajo ayaa xilal ku taxaya jufada hoose ee reer Diini, xilli Mareexaanka kale ee quwad ahaan ka wayn reerkiisa ay indhaha ka daawanayaan waxa uu sameynayo madaxwayne Farmaajo oo xitaa u caddalad fali waayay Jufooyinka qabiilka uu kasoo jeedo.