Qarax ka dhacay Magaalo Xeebeedka Lamu Ee Dalka Kenya Iyo Wararkii Ugu danbeeyay

Warbaahinta dalka Kenya ayaa qoray qarax miino oo ka dhacay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya ayaa sababay dhaawaca 2 qof ayadoo saacado ka dhimanyihiin doorashada guud ee dalkaas.

Saraakiil booliska Kenya u hadlay ayaa sheegay in qaraxu oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay uu haleelay gaari nooca xamuulka qaada ah oo ku safaray wadada xariirisa Lamu iyo Malindi waxaana weerarkaasi dhacay saaka xilli hore.

Taliyaha booliska degaan xeebeedyada dalka Kenya Larry Kieng ayaa sheegay labada qof ee dhaawacantay ay rayid ahaayeen kuwaasoo hadda loo qaaday xarun caafimaad.

Sargaalkaan waxaa uu weerarkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Al-Shabab.

Wargayska Daily Nation ayaa baahiyay in sidoo kale degaanka qaraxu ka dhacay laga maqlay rasaas xoog leh oo dhex martay ciidamada dawlada iyo dabley la rumaysanyahay inay Al-Shabab ka tirsan yihiin.

Amaanka dalka Kenya ayaa si adag loo adkeeyay maadaama ay saacado uun ka harsantahay waqtiga loo balansanyahay inay qabsoonto doorashada dalkaas.