Mooshin Noocee Ah Ayeey Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya Ka Doodi Doonaa Maanta?

inkabadan 50-xildhibaan oo kamid ah golaha shacabka ayaa usoo gudbiyay guddoonka baarlamaanka Mooshin ka dhan ah badeecadaha dalka laga heli karo ee dibadda laga soo dhoofiyo, kuwaas oo niyad jab ku ah ganacsatada Soomaalida iyo beerayaleyda ku dadaala soo saarista badeecadahaas.

Ganacsatada qaar ayaa dalka keena badeecado dalka laga heli karo islamarkaana uu soo saaro, taas oo liddi ku ah shuruucda caalamiga ah ee wax soo dhoofsashada dawladaha sharciga u saaxiibka ah.

Xildhibaannada mooshinka noocan wada ayaa sheegay in ay doonayaan in la dhiiro geliyo wax soo saarka dalka iyo sara u qaadidda hammiga ganacsatada iyo beerayaleyda Soomaalida, oo niyad jab kala kulma xilliyadan oo kale marka marka waxyaabaha ay soo saaraan dibadda ganacsato kale ay ka keenaa.