Mid Kamid Ah Kaniisadaha Afrika Ugu Wayn Oo La Weeraray

Inkabadan 11-qofood Oo Masiixiyiin ku cibaadeysanayay Kaniisad wayn oo ku taalla gobolka Anaambara ee dalka Nageria ayaa la dilay, halka 18-kalana lagu dhaawacay weerar lagu qaaday macbadkooda.

Warbaahinta dalkaas ayaa werineysa in khasaaraha uu intaas ka badnaan lahaa, balse xilliga weerarka la qaaday uu ahaa aroor hore oo aanay dad badan ku sugneen Kaniisadda.

Waa markii ugu horreysay ee la weeraro kaniisad ay ku cibaadeysanayaan dad Masiixiyiin ah, oo ku taalla gobolka Anaambara oo ah mid kamid ah gobollada ay ku xooggan yihiin dadka aan Muslimka ahayn ee heysta diinta Kirishtaanka, sidoo kale kaniisadda la weeraray, waa mid kamid ah kaniisadaha ugu waa wayn qaaradda Afrika, marka laga eego dhanka dadka ku cibaadeysta, iyo masaafada ay ku fadhiso.

Guddoomiyaha gobolka Anaambara ayaa aad cambaareeyay qaraxaas, sidoo kale wuxuu ku hanjabay in ay caddaaladda hor keeni doonaa cid walba oo ka dambeysay weerarkaas gaadmada ah ee lala beegsaday kaniisaddaas.

Boko Haram ayaa ka dagaalanta dalka Nageria, hasa yeeshee weli ma sheegan mas’uuliyadda qaraxaas iyo weerarkii daba socday ee Kirishtaanka lagula eegtay Macbadkooda.