Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo Maanta Xukun ku ridday Dhalinyaro Kufsi geystay”‘

Maxkmada Dagmada Gaalkacyo ayaa maanta xukuno ku riday ilaa saddax eedeysane oo lagu eedeyay in ay kufsi u geysteen gabar soomaaliyeed oo ku sugneyd deegaano ka Tirsan Gobolka Mudug.

Eedeysaneyasha ayaa horay waxaaa gacanta ugu soo dhigay ciidamada Booliska Galmudug ,iyadoo lagu Xukumay Xabsi Saddex Sano ah iyo Lacag Ganaax ah.

Dhalinyarada Maanta Xukunka lagu riday ayaa gaaraya illaa Saddex Eedeysane,waxaana Garsooraha Xukunka ku riday uu sheegay in Raggaan ay ku Caddaatay eedda ah in ay Kufsi geysteen.