Maxaa Laga Maqlayaa Hadda Goobta Ay Is-Rasaaseyntu Ka Dhacday?

Waxaa hadda laga maqlayaa agagaarka goobta ay ka dhacday israsaaseynta dhawaaqa xabbado teel teel ah oo hal garab u eg, kuwaas oo loo maleeynayo in ay ridayaan ciidamo cusub oo dawladda ah kuwaas oo hadda soo gaaray goobta ay shaqaaqadda ka dhacday.

Sidoo kale cododka rasaasta marka laga soo tago, dhawaaqa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Ambulace ayaa ah laga maqlayaa halkaas, si lamid ah buuq yar ayaa ka jira luuqyada ka ag dhaw goobta ay dhibaatada ka dhacday, maadaama weli ay ku gamban yihiin qaar kamid ah dadkii goobtaas ka cararay.

Ciidamo cusub oo AMISOM iyo dawladda ayaa goobta durba soo gaaray, waxaana lagu wadaa in lakala dhex galo Labada dhinac ee goobta ku dagaalamay.

Wax hadal ah kama soo bixin dawladda iyo AMISOM-ba sidaa darteeda weli waan sugi doonaa wixii ladaba dhinacba kasoo kordha.

Baaqi Ku Ahaaw Shaaciye.com, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee gudaha iyo dibadda.