Mahadcelin iyo bogaadin (Sheekadii Gaso, ganuun, Gasiin) ee Prof. Cali Jimcaale Axmed

Maamulka iyo Hawlwadeenada Bogga shaaciye, waxeey iyagoo aad ugu faraxsan Sheekadii xiisaha badneyd ee toddobaadlaha aheyd ee Gaso, Ganuun, Gasiin ee uu sida quruxda badan ugu farayareystay Qoraaga weyn ee caalamigaa ee Soomaaliyeed Prof.Cali Jimcaale Axmed, Waxaan hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq u direynaa Qoraaga sheekada, kaas oo si aan kala go’ laheyn noogu waday muddo 52 toddobaad oo toos ah waa Mudda 12 bilood uu buuxda ah. Waxaa kale oo aan mahadnaq u jeedineynaa Asaxaabtii ku tixneyd sheekada oo mar walba mahadnaq iyo xasuusinta noo soo diri jiray, kuwaas oo muujinayay sida ay ugu xiran yihiin sheekada Gaso.

Innaga ka maamul ahaanna aad Ayaan ugu faraxsaneyn muddada ay sheekada socotay iyo asaxaabta faraha badan ee ka daalacan jirtay Boggeenna.

Mar labaad waxaan u mahadcelineynaa Qoraaga Sheekada Prof. Cali Jimcaale Axmed, waxaana leenahay Walaal jira, kuna soo dhawoow gacmo furan mar walba iyo meel walba.