Duqeyn Qasaaro geesatay oo Xalay ka dhacday Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imanaya degaanka Cali fooldheere oo ka tirsan Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaas ay duqeeyeen  Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda,yada oo la sheegayo khasaare ka dhashay weerarkaas.

Guddoomiyaha Degmada Mahaddaay Cabdullahi Maxamed Xuseen (Geeldoox), oo degmadiisa uu hoostago degaanka la duqeeyay ayaa Warbaahinta  u xaqiijiyay duqeynta ka dhacday degaankaas.

Waxaa uu Mr Geeldoox,xaqiijiyay in degaankaas ay duqeeyeen Ciidamad AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya.

Cabdullahi ayaa intaas ku daray in degaanka uu go’doonsanaa islamarkaana oo Al-shabaab kaliya ay gudaha kaga suganaayeen islamarkaana hareeraha ay Ciidamada Dowladda ka joogeen.

Khasaaraha ka dhashay ayuu ku sheegay in uu yahay dhaawacyo gaaray dhanka Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay,waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada isbaheysanaya ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Shabeellaha dhexe.

Al-shabaab wali kama hadlin duqeynta xalay ka dhacday degaankaas ee Maamulka Mahaddaay uu sheegtay in ay khasaaraha ku gaarsiiyeen Xarakada Al-shabaab.