DEG DEG:- Is Rasaaseyn tii Ugu Xumeyd Oo Ka Bilaabatay Magaalada Muqdisho

Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda is rasaaseyn u dhaxeysa laba kooxood oo kawada tirsan ciidanka dawladda.

Rasaas xooggan oo laba dhinac ah ayaa laga maqlayaa meel ku aaddan isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Inkabadan 10-daqiiqo ayeey hadda socotaa is rasaaseynta, oo dad goobjoogayaal ah sheegen in ay ka dhaxeyso laba kooxood oo kawada tirsan ciidanka dawladda.

Dhawaaqa codka gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa la maqlayaa kuwaas oo dad ka daabbulaya agagaarka, inkastoo ay xabbadda socoto, haddana wixii warar ah dib ayaan idinka kala soo socod siin doonaa.