DEG DEG: Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo dad Shacab ah ku dilay Magaalada Muqdisho

Laba ruux ayaa Geeriyootay laba kalana, waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii maanta ciidamo ilaalo u ahaa xildhibaan Samra Ibrahim Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay rasaas xoogan ku fureen dad Shacab ah oo ku sugnaa Nawaaxiga Tareebiyaano wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda ay tageen goobtaaasi, islamarkaana Gacanta ay ku dhigeen Raggaasi oo Ilaalo u ahayd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, kuwaas oo hada Su’aalo lagu weydiinayo xarunta Danbi baaritsa ee CID-da, sida sarakiil ka tirsan Laantaasi ay u xaqiijiyeen Warbaahinta .

Inta badan Shaqaaqooyinka nuucaani oo kala ah aya ku soo laa laabta gudaha Magaalada Muqdisho, waxaan dhowr dheer jeer ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay siyaabooyin kala duwan dad Shacab ah ugu dileen qeybo ka mid ah Muqdisho.