DEG DEG: Bajaaj-layaasha Magaalada Muqdisho Oo Banaan Bax Sameeyay Iyo AMISOM Oo Is-hor Istaag Ku Sameysay

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan waddada dheer ee marta isgooyska KM4 ay isqabsadeen dibad baxayaal careysan oo dhallinyaro u badan kuwaas oo kasoo horjeeday dawladda.

Dhallinyarada kaxeysa mootooyinka yar yar ee Soomaalidu u taqaano Bajaaj-ta ayaa isu soo bax ku sameeyay isgoyska Nambar Afar ee gobolka Banaadir, waxaana ay ku andacoonayeen in dhammaan waddooyinkii laga xiray oo meel ay maraan ay la’yihiin.

Dooni Maynno waddo la xiro, dooni maynno dhallinyaro diide,” iyo erayo lamid ah ayeey isticmaalayeen mudaaharaadayaasha, oo kulugeynayay waddada dheer ee nambar afar.

Ugu dambeyn ciidanka dawladda iyo AMISOM ayaa kala cayriyay dibad baxayaasha, iyagoo adeegsanaya awooddooda militeri, xabbado ayaa kor loogu riday dhallinyarada banaan baxa sameynayay.

Dawladda Soomaaliya ayaa xirtay inta badan waddooyinkii ay mari jireen mootooyinka Bajaaj-ta loo yaqaano ee ka shaqeysa magaalada, taas oo dhibaato ku noqotay boqolaal dhallinyaro oo ku shaqeysta Mootooyinkaas.