Cabdi Qeybdiid oo Loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka

Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid)  Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug State ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegistaDastuurka.

Qeybdiid ayaa doorasho la galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, waxayna guddiga doorashada ay sheegeen in qeybdiid uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6-cod halka faroole uu helay 4-cod.