Xildhibaanada Golaha Shacabka Maxaay Maanta ka doodayaan Wax Badan ka Ogoow?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeelan doona Xarunta ay ku shiraan ee Magaalada Muqdisho,waxaana Xildhibaanadu ay Warbixin ka dhageysan doonaan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Warbixinta laga dhageysanayo Guddiga Maaliyadda u qaabilsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay la Xariirto dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee 2017.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa horyaala Miisaaniyadda Dowladda ee 2017 ay ku shaqeyneyso,taas oo uu horgeeyay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle,balse aan weli la ansixin ama aan la meelmarin.