Mas’uuliyiintii Maamulka Baled-xaawo oo dib u helay Xuriyadooda Iyo Magdhow laga qaadayo?

Iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo dhawaan loo Xiray Dilka Afar Wiil oo lagala baxay Xabsiga Magaaladaasi ayaa waxaa Xal laga gaaray murankii ka dhashay Xiisaddaasi.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Baled-xaawo ee Falkaasi loo xiray ayaa la sheegay in ay dib u heleen Xorriyadooda islamarkaana ay shaqadoodii bilaabeen.

Afartii Wiil ee lagala baxay Saldhigga Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo haddana la dilay ayaa la sheegay in Xal laga gaaray,waxaana Wararku ay sheegayaan in Labo kamid ah ay ahaayeen Shabaab halka Labada kalena ay ahaayeen kuwo lagu qaldamay Maamulka Degmada Baled-xaawana lagu xukumay in ay bixiyaan Diyadii Labada Wiil ee ahaa Shacabka islamarkaana ay dileen Ciidamada Maamulka Jubbaland.