Jawaari oo Hambalyo u Direy Gudoomiyaha Cusub Golaha Wakiiladda Somali-land

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo u diray Baashi Max’ed faarax oo maanta ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Aqalka Wakiilada Soomaaliland.

Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha aqalka Wakiilada Soomaaliland oo maanta loo doortay Baashi Max’ed Faarax.

Doorashada Guddoomiyaha wakiilada Soomaaliland ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan uu xilkaasi iska casilay C/raxmaan Max’ed C/llahi (Cirro) kaasi oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliland una matalaya xisbiga Wadani.