Akhriso:-Baarlamaanka Soomaliya oo Ansixiyay Misaaniyadda Dowladda 2017-ka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta golaha shacabka ayaa meel mariyay doodii ka taagneyd ansixinta miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya hortagay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, wuxuuna xildhibaanada ka codsaday in ay asnixiyaan misaaniyadda Dowladda 2017-ka.

Xildhibaano gaaraya 167 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda Soomaliya, halka ay diieen 2-xildhibaan, mana uusan jirin Xildhibaan ka aamusay codeynta.

Shir guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ay tahay mid ansax ah, maadaama si aqlabiyad leh xildhibaanada ay ku meel mariyeen, islamarkaasna uu go’aankaan yahay mid waafaaqsan sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda baarlamanka Soomaliya ayaa diidanaa ansixinta miisaaniyadaan Dowladda oo dadaal dheer ku bixiyey inayka hor imaadaan balse maanta ayay wasaaradda Maaliyadda ku guuleystay in loo meel mariyo sharciga maaliyadda.