Paul Kagame oo markii 3aad ku guuleystay madaxtinimada Rwanda

Guddiga doorashada Dalka Rwanda ayaa shaaciyay natiijo horudhac ah oo muujineysa in Madaxweynaha talada dalkaasi haya ee Paul Kagame uu markii 3aad ku guuleystay doorashada dalkaas.

Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in 80% Codadka la tiriyay ay muujinayaan in Mr Paul Kagame uu hlay 98% Codadkii ay dhiibteen dadka dalkaas.

Madaxweynaha oo la filayay in uu isaga ku guuleysan doono ayaa doorashadan ka hor waxaa uu dalkaas madaxweyne ka ahaa 17 Sano,waxaana uu isbeddel ku sameeyay dastuurka dalkaas oo u oggolaanaya in ilaa 2034ka uu u tartamo kursiga Madaxweynaha.

Dadka la dhacsay Paul Kagame waxaa ay sheegayaan in uu yahay badbaadiyaha dalka Rwanda oo 1994tii uu ka dhacay xasuuqii ugu darnaa ee dagaal sokeeye una dhaxeeyay dadka dalkaas gaar ahaan Qabiillada Tutsiga iyo Huutuuga,xilligaas oo ay dhinteen dad ka badan 800,000 oo Qof.

Waxaana uu dalka Rwanda ka dhigay  mid ka mid ah dalalka ugu horumarsan Qaaradda Afrika,kaas oo Baarlamaankiisu ay 67|% Haween yihiin.

Dadka isaga dhaliilaya ayaa ku sugan dalka dibaddiisa,waxaana ay sheegayaa in inta badan xukumkiisa uu ku saleysanyahay cabsi gelin.