Muxuu Salaad Cali Jeelle Maalin Walba Madaxtooyada Ka Sameeyaa? (Sir Aan Horay Loo Maqal)

Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelle oo dhawaanahan ku maqnaa Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Mudane Salaad ayaa maalmihii lasoo dhafay waxa uu ku badnaa madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaas oo dhawr jeer oo horay loogu arkay.

Dad badan baa tuhun galay marka ay arkeen Salaad Cali Jeelle oo madaxtooyada iskaga daba noqonaya, maadaama la ogyahay inuusan wax jago ah heyn.

Waxaa loo maleeyaa in loo magacaabi doono xil lamid ah kii dhawaan loo magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Maxamed Tarsan.

Si kastaba ha ahaatee waanu dhawri doonaa xilka loo magacaabo Salaad oo maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa sidii uu Farmaajo ula kulmi lahaa, ugana dhaadhicin lahaa magacaabistiisa, maadaama uu dawladdii hore kusoo foos wareeray.