Maxay La Dansan Yihiin Nalalka Qoraxda Ku Shaqeeya Ee Magaalada Muqdisho? (Sabab Qariib Ah)

Maamulka Dowladda hoose ee Xamar ayaa sanado ka hor ka hirgaliyay Magaalada Muqdisho leyrarka ku shaqeeyo cadceeda, kuwaasi oo lagu xiray wadooyinka magaaladda Muqdisho , Markii ugu horeysay waxaa 40 ka mid ah Leyrarkaasi keentay Dowladda Norway waxaa  si tijaabo ah loogu xiray Wadada Maka- Al mukarama ka dib , dowladda turkiga ayaa keentay leyrar kale kuwaasi oo dhowr wado lagu xiray sida Wadadaha , Wadnaha , Warshadaha iyo kuwa kale oo ku yaalla muqdisho.

Nalalka ayaa dhibaatooyin badan loo geystay qaarkood ayaa lagala baxay batiriyadii ku jiray, Qaar ayaa saameyay Qaraxyadda ka dhaca nawaaxiga ay ku xiran yihiin ,kuwa kale waxaa ku dhacay gawaari soo fariin goostay, halka qaarka kalana ay noqdeen kuwa ciladeysan oo aan shaqeyneyn karin waxaa intaasi soo raaco ma laheyn badal ,muddo ka dib waxaa lagu guuleystay in ay badal helaan si u dayac tir loogu sameeyo, in kastoo wali ay dansan yihiin qeyb ahaan nalalkaasi.

Sababta ay leyrarkaasi u dansan yihiin waa mid ay wada leeyihiin Shacabka iyo dowladda Hoose ee Xamar , Shacabka ayaa ka gaabiyay soo sheegista Ciladaha heysta nalalkaasi, halka Maamulka Gobolka Banaadirna uusan Kormeer joogta ah ku sameyn Leyrarka marka laga soo tago kuwa ku rakiban wadada Maka Al Mukarama oo ah Marin muhiim u ah  isku socodka dadka iyo gaadiidka, waana sababta aad u aragto nalal badan oo dansan.

Waxaa warbixintaan qoray Nuur  C/raxmaan Nuur oo katirsan warbaahinta Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.