Maxaa Sheekh Cali Dheere Ka Hor Taagan In Uu Kasoo Noqdo Aragtida Al Shabaab?

Sheekh Cali Raage oo Cali Dheere ku magac dheer waa mid kamid ah dadka ugu saameynta badan Soomaalida, dhanka siyaasadda, waxaana uu ahaa afhayeenka Alshabaab shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Cali DHeere ayaa dhawr jeer oo horey sheegtay mas’uuliyadda qaraxyo arday, culimo, aqoonyahano, haween iyo dadkale oo maato ah lagula eegtay qaybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya; taas oo ah dembi wayn oo Alle iyo addoomadiisa laga galay.

Hasa yeeshee, Sheekh Cali Dheere wuu jeclaan lahaa in nabad galo oo uu wakhti cimrigiisa ka dhiman ku dhameysto lajoogga reerkiisa iyo qaraabadiisa, balse cabsi iyo ku qanacsanaan aragtidiisa diimeed ayaa ka hor taagan iyo cabsi uu ka qabo in xukunka  iyo caddaaladda la hor keeno.

Sidoo kale aad ayuu ugu riyaaqaa marka uu arko xaaladda nololeed ee ay hadda kusugan yihiin Abu Bakar Iimaan iyo Maxamed Siciid Atam iyo  magacyo kale oo aragtidaas ka tanaasulay, islamarkaana nolol sacaado leh ku qaadanaya qaybo kamid ah waddamada Khaliijka.