Masuuliyada Dilka Guddoomiyihii G/Galgaduud oo la sheegtay Iyo Xog Yaab Leh oo laga helaayo”

Dagaalameyaasha Hubeysan Ee Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dilkii Xalay Degmada Yaaqshiid loogu geystay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Ee Maamulka Galmudug Alle ha unaxariistee Maxamed Daaci Sheekh Cali Cilmi.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyaan Dilkaas,waxaana ay Xuseen in Dagaalameyaal ka tirsan Shabaab oo u Tababaran Dilka ay Fuliyeen Dilkaasi.

Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Ee Maamulka Galmudug Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi  iyo Wiil la dhashay oo ka mid ahaa Ardayda Dhigata Jaamacada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa Xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid.