Wararka laga helayo Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Gaas uu maalinta berito ah si rasmi ah ugu dhawaaqidoono liiska gollaha wasiiradda Puntland,sida aan ku helnay Illo lagu Kalsoon yahay.
Liiska gollaha wasiiradda uu soo wado madaxweyne Gaas ayaa 90% waxay ahaandoonaan wasiiraddii xukuumadiisii hore ee uu barlamaanku kalsoonida kala noqday taariikhdu marka ay ahayd 18-kii bsihii juulaay ee lasoo dhaafay.
Isbedelka ugu weyn ee ka muuqandoona liiskaan ayaa noqondoona isku shaandhayn kooban oo lagu sameeyay wasiiradda qaarkood.
Wasiirka maaliyadda Puntland, Cabdullaahi Sheikh Axmed, ayaa kamid noqondoona xubnaha aan kasoo muuqandoonin liiska wasiiradda, waxaana lagu badelidoonaa siyaasi Cali Cabdi Awaare oo horey xilal kala duwan ugasoo qabtay Puntland.
Wasiirkii arrimaha gudaha iyo dowladda hoose, Axmed Karaash, ayaa loo badelidoonaa wasaardda howlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland, halka wasiirkii howlaha guud, Cabdirashiid Maxamed Xirsi loo badelidoono wasiirka arrimaha gudaha Puntland