Halkee Buu Ku Dambeeyaa Wiilka Usaama Bin Laden (Sheeko Xiiso Badan)

Wiilka uu dhalay hoggaamiyihii hore ee ururka Alqaacidda Osama Bin Laden oo lagu magacaabo Xamza ayaa ku biiray ururkii uu aabbihiisa aas aasay, xilli da’diisu ay tahay 25sano.

wuxuu ahaa 11 sano jir markii uu aabbihiisa sheegtay qaraxii waynaa ee 9/11 ee lagu weeraray magaalada ganacsiga adduunka ee Newyork.

Xamza oo dhawr jeer oo horay ula kulmay saraakiil uu kamid yahay amiirka ururkaas ninka lagu magacaabo Ayman Adawahiri, kaas oo ku tilmaamay in uu yahay hannad wanaagsan oo booska aabbihiisa buuxin kara.

Si kastaba ha ahaatee Xamza Bin Osama Bin LAden wuxuu qaaday tallaabo aan u wanaagsanayn maadaama aabbihiisa uu ku fashilmay dhibaateynta aadma muslimka ah, tan iyo bilawgii dagaalkiisa ka dhanka ahaa Mareykan ka iyo dawladdii Ciraaq.