Kooxda Al-shabab aya asoo bandhigay gaari ka mid ah kuwa ololaha doorashada Xisbiga Madxweynaha Kenya ee Jubilee oo maalmo ka hor laga qafaashay agagaarka Mandheera.
Gaariga oo uu la socday wadaha iyo hal qof oo kale ayaa markii ay soo laabteen waxaa ay la kulmeen xubno ka tirsan Al-shabaab,kuwaas oo ilaa hadda ku heysta meel ka mid ah degaannada AL-shabab ay ka joogaan Xadka labada dal.
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay doonayaan in ay gacanta ku soo dhigaan gaariga iyo Labada Qof ee la socday waxaana ay intaas ku dareen in ay billaabeen ugaarsi ka dhan ah Al-shabaab.