Haddii uu fanaanka caanka ah ee Ilkacase qays qaaday hees uu ugu magac daray Igu Sawir, maxaa diiday in taageerayaasha Farmaajo ay qaadaan hees loogu magac daray igu Dayo, maadaama labada halkudhigba lawada isticmaalayay beryahan.
Fanaanka caanka ah ee Tahliil Yare ayaa sameeyay hees jawaab u ah Ilkacase oo lagu amaanayo madaxda qaranka, islamarkaana looga soo horjeedo heesta Igu Sawir ee fanaan Ilkacase, haddaba yaan hadal kugu daalininee hoos ka daawo muuqaalkan, oo ay xuquuqdiisu leedahay Dooxa Films.