Qarax Miino Oo Ay Askar Badan Ku Dhinteen Oo Dhacay

Qarax Miino oo aay ku dhiinteen 7 Askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia iyo kuwa Itoobiya ayaa ka dhacay   duleedka Magaalada Baydhabo’ Ciidaankaasi ayaa kasoo baxay degmada Waajid ,islamarkaana kusii jeeday Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi Miino ay ku dileen Ciidamo isugu jira Soomaali iyo sidoo kale Itoobiyaan.

Ciidamada Itoobiya ee Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Goob joogayaal  goobta ka ag dhowaa ayaa Warbaahinta  u sheegay  in Qaraxaasi ciidamada ku dhintay ay Soomaali u badan yihiin.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale AMISOM ee ku aadan Qaraxa lala eegtay .

Waxii kusoo kordha kala soco Halkaan