Dab Khasaaro Ba’an Geystay Oo Ka Kacay Kaalin Shidaal!

Wararka ka imaanaya magaalada Mombasa ee caasimadda labaad ee dalka Kenya waxa ay sheegayaan in uu dab ka kacay kaalin shidaal oo ku yaalla magaaladaas.

ilaa hadda laba qofood ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen dabkaas ka kacay kaalinka shidaalka, sidoo kale wuxuu saameeyn wayn ku yeeshay dhammaan wixii ka ag dhawaa aagga saldhigga u ahayd kaalinka sidaal ee Mombasa.

Booliska iyo ciidanka gaarka u tababaran ee dab damiska ayaa aad ula tacaalaya dabkaas, sidii qasaarihiisa loo yareen lahaa, loona bakhtiijin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dabkan ayaa kusoo beegmaya, xilli dhammaan gudaha dalka Kenya ay ka socdaan olole doorasho oo xoog badan, la iskuna diyaarinayo doorashada bishan gudaheeda ka dhici doonta isla dalkaas.