Beesha Habar Gidir Oo Kulan Ay Maanta Muqdisho Ku Yeesheen Ka Soo Saaray War Culus Oo Xasaasiya?

Kadib kulan ballaaran oo maanta Magaalada Muqdisho ku yeelatay Beelweynta Habar Gidir ayaa waxa ay uga hadleen Go’aankii dhawaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay Xukunka dilka ah ugu riday  Dable, Axmed C/laahi Cabdi “Caydiid” oo ka mid ahaa Ilaaladii Hanti dhowrihii hore ee Qaranka.

Ugaas Cabdi Daahir oo ah Wakiilka Ugaas Beesha Cayr ee Koofurta Soomaaliya oo kulankaasi ka hadlay ayaa Cadaalad darro ku tilmaamay Xukunkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ka hor istaageen in ay la xaajoodaan beesha uu ka soo jeedo Wasiirka la dilay.

Beesha Habar Gidir ayaa kulankooda Bayaan dheer ka soo saaray oo ay  ku muujinayaan in Dilka loo geystay Allaha u Naxariiste Wasiir Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji uu ahaa Mid Kama’ah, islamarkaana shaqsiyaad ka tirsan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay siyaasadeynayaan sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn Beesha Habar Gidir ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida in aan lagu deg degin Xukunkaasi ka dhanka ah Dable, Axmed C/laahi Cabdi “Caydiid” oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid Cadaalad darro ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho, si isdaba joog ah dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo Xukunkaasi dilka ah ee ka dhanka ah Dable, Axmed C/laahi Cabdi “Caydiid” uu ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Weli ma jirto wax war ah oo ay ka soo saareen Masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo baaqyo kala duwan loogu jeedinayay Banaanbaxyada looga soo horjeedo Xukunkaasi iyo kulamada Beesha Habar Gidir ku lahayd Muqdisho.